Nolosha Soomaalida iyo
geelu waa laba isku sidkan oo aan la kala fujin karin. Waxa ay ka soo
muuqanayaan laba bog oo ka mid ah taariikhda isirka Soomaalida. Marka bogga
hore lagaga warramo qofka Soomaaliga ah, waxa bogga labaad ee isla taariikhdaas
ku xusan xoolaha Soomaalidu dhaqato gaar ahaan meesiga geela oo ah halbeegga ugu
mudan, uguna qiimo sarreeya ee Soomaaligu noloshiisa ku waayi karo, mid ku
baxdayna ku gudi karo. Waa foolaadka mayeedhaanka carbisan, Soomaalida
dhexdeedana waa lama-taabtaan barakaysan geelu. Sidaas awgeed baahida loo qabo
in la helo dhigane ama dhiganeyaal ka warramaya nolosha asalka ah, taariikhda
geela iyo sida uu nolosha qofka Soomaaliga ah raad ugu leeyahay waa mid
baahideedu ka ballaadhantahay badka dhulka. Dhiganahanina waa mid saldhig u
noqon kara aqoonta ballaadhan ee ku dhereran nolosha geella iyo asalkiisaba,
kuwii hore u jirayna ka xogogaalsan inta aan arkay. Waa dhigaal hor leh oo dibaadda
soo dhigaya sarraynta geela iyo sida ay Soomaalidu u gu darbantahay
dhaqashadiisa, iyaga oo gaadhsiiyay darajada xalaalnimada kana koryeelay
xaaraannimada, ee kolba xeradii uu ku
jiro uu xalaal ku yahay.
Buuggu
waxa u u muuqanayaa mid si farsahxanimo leh loo qaabeeyay oo wakhti badan la
galiyay. Waxa qoray qoraa da’ yar oo magaciisa la yidhaa Maxamed Saleebaan Axmed
(Tixmage). Sida qoraagu afkiisa iiga
sheegayna sanado badan ayaa ay ku qaadatay in uu Xerudhalan ka dhigo dhigane lagu kalsoonaan
karo oo u hagarbaxaya mawduuca geela ee uu doortay in uu wax ka qoro inta aanu
dadka horkeenin. Taasana keentay in buuggu wakhti badan oo sanado ah ku soo
baxo. Qoraha waa buuggiisii koowaad. Buugga Xerudhalan waxa gacantayda soo galiyay isla qoraaga oo ii hadyeeyay.
Akhris ka dibna waxa aan isku dayi doonaa in aan falanqayn ku sameeyo,
aragtidayna ku biiriyo.
Xerudhalan
waa mid magaciisa iyo muuqiisaba aad loo ga fikiray, tayadiisuna aad u sarrayso.
Jaldiga buuggu waa mid ku soo dhawanaya, muuqaalkiisuna bilacsanyahay.
Midabkiisu waa midabka ciid-caska hawdka oo kale ah. Bogga horena waxa ka
muuqda sawirka tuldo geel ah si madax siman ah ugu cabbaya gal biyo ah. Waxa uu
wataa ladh-hoosaad ‘Sooyaalka iyo Suugaanta Geela’, waana halkan meesha aad ka
sii daalacanayso xogta uu buuggu ka warrami doono.
Dhiganahani waxa uu si xeel-fog u iftiiminayaa nolosha meesiga
geela oo uu taariikh ahaan manfac ahaan, fac ahaan iyo farsamo ahaanba aad ugu
fogaanayo. Dhanka kale waxa uu awoodda saarayaa suugaanta geela taasi oo laga
dheehan karo taariikhda iyo qiimaha uu ku dhexleeyahay Soomaalida kala
deegaanka ah iyo sida ay uga midaysnaayeen dhaqashada, ku-dhaadashada iyo u
dhimashada geela. Sida qoraagu ku xusayo ararta buugga; Xerudhalan waa laba
qaybood oo kala ah: Sooyaalka iyo Suugaanta Geela. labada qaybood middiiba waxa
ay ka koobantahay shan cutub.
Ugu
horrayn qoraagu waxa uu sababaynayaa ujeedada uu qoray dhiganahan, waxa aanu si
cad inoogu sheegayaa in buugani yahay aqoon ka maqan jiilka danbe isaga ku
canaanayana in aanay facan danbe dhiggooda (jiilalka qoomamka kale) uga warrami
karin taariikhda maal-adduun ee geelu hormuudka u yahay. Si aynaan ugu horaynba u fahmi waayin magaca
buugga oo aynaan akhriskiisa uga didin, waxa uu u si la wada fahmikaro u
qeexayaa erayga “Xerudhalan” oo uu ku macneeyay “xerudhalan waa geela aad
asalkiisa iyo isirkiisa garanayso ee xeradaada ku dhashay”. Qoraagu waxa kale oo uu iftiiminayaa heerarka
kala duwan ee magaca buuggu soo maray, inta magac ee uu ka soo gudbay, ciddii
bixisay iyo sababah uu magaciisu isu bedbedalay. Ugu danbayn waxa tibaaxayaa
cidda Xerudhalan u bixisay dhiganahan iyo wakthigii buugga si kamadanbays ah u
qaatay magacan.
Buuggu
waxa uu farta ku fiiqayaa taariikhda geela, faciisa iyo abtirka lagu
xidhiidhiyay in uu la bahyahay kuwaasi oo uu qoraagu inagu barayo in geelu la
bahyahay xayawaano ku nool koonfurta ameerika, sida Llama, Guanaco, Vicuna iyo
Alpaca. Inkasta oo aynu ognahay in geelu ka tirsanyahay bahda naaslayda,
buuguna xusayo hadana waxa aynu naqaanaa in geelu yahay meesiga dhaqasho ahaan
ugu adkaysiga iyo faa’iidada badan, balse aynaan aqoon buuxda u lahayn halka uu
inaga soo galay iyo halka taariikhdiisu ku aroorto. Intaas ka dib qoraagu waxa uu u soo durkayaa
halkii uu doonayay in uu xoqo oo ah goorta iyo meesha uu Soomaalida ka soo
galay meesiga geelu. Marka uu buuggu ka waramayo arrintan waxa uu tixraacayaa
aqoonyanano iyo taariikhyahano cilmibaadhis ka sameeyay taariikhda geela ee
geeska afrika, si gaar ah Soomaalida. Dadka ugu mudan ee qoruhu xiganayo waxa
ka mid ah Buliet, K.O.Farah iyo Axmed Ibrahim Cawale oo wax ka qoray goortii
geelu soo galay dhulka Soomaalida. Waxa aanu sheegayaa in geelu taariikh kuu
siman 2000 sano ka hor soo galay dhulka soomaalida isaga oo ka soo doolay
jasiirada carabta una gudbay lama degaanka Suudaan iyo woqooyiga Afrika.
Dhanka
kale Xerudhalan waxa uu ina horkeenayaa tirokoobyo cadcad oo tibaaxayaa tirada
geela dunida ku nool iyo kan Soomaalida ku noolba, isaga oo tixraacayaa qoraal-baadhisyeedyo
ay samaysay hayada Qaramada mibooay u qaablisan cuntada iyo beeraha ee FAO.
Waxa uu si gaar ah u dul istaagayaa tirada geela ku nool Soomaaliya iyo
Somaliland laga soo bilaabo sanadkii
1961. Shaxaha buuggu soo tebinayo waxa
ay inna barayaan in geyiga Soomaalidu degtaa yahay kan majaraha u haya dunida
geelayda, kaalinta koowaadna ka ah wadamada geela lagu dhaqdo dunida. Taas oo
ku xaqiijinayo tirakoobkii u danbeeyay ee la sameeyay sanadkii 2016, oo
sheegaya in dhulka Soomaalida ku noolyahay geel ka badan todoba milyan. Intaa ka dib buuggu waxa uu
masaafo geel daaq ah farta inoogu fiiqayaa jacaylka Soomaalidu geela u qabtay
iyo sida ay naftooda uga horraysiin jireen xanaanayntiisa. Maragyo cadcad ayaa uu inna horkeenayaa si aynu u fahanno in
geelu ahaa nafta nafteeda oo ninka geel lihi u ahaa qof mudan, kana aan geel u
dareerinna u ahaa gun aan la martiyin. Arrintana
waxa uu ku xoojinayaa suugaan gabayo u badan iyo sheekada caanka noqotay ee
aaskii hashii Garawo oo ka mid ah sheekooyin ka ugu cajiibsan ee la xidhiidha
jacaylka geela iyo Soomaalida.
Xerudhalan
ma aha dhigane xog soo ururiyay oo kaliya balse waa cilmi-baadhis si hufan, oo
la fahmi karo u iftiiminaysa meesiga geela Bayoolaji ahaan, dabeecad ahaan, nolol
ahaan, dareen ahaan iyo jiritaan ahaanba. Si gaar ahna waxa uu ugu dheeraanayaa astaamaha iyo abuurka geela,
isaga oo soo guurinaya quraanka iyo suugaanta Soomaalida oo marag buuxa u noqon
kara qeexidda nolosha geela iyo sifooyinka uu kaga gaar yahay noolaha
kale. Suugaanta uu buuggu soo xulanayaa
waa mid laga dhex fahmi karo adkaysiga geela, tayooyinkiisa iyo sida uu noolaha
uga fadlilanyahay. Bogagga 32 ilaa 38 buuggu waxa uu is mucjiso leh ugaga
warramayaa abuurka geela isaga oo si cilmiyaysan inoo barayaa qaabdhismeedka
gudeed, dibadeed, jidheed, dherer, dhumuc, maqaar iyo mucjisooyin kale oo qaab
nololeedkiisa ku lammaan. Waana meelaha ugu shilis buugga ee qofka akhristaha
ah macno gaar ah u samaynaysa. Qoraagu mar uu sifaynayay geela waxa uu bogga 32
aad ku qoray sidan “qaabdhismeedka iyo abuurka noolahani waa mid la yaab leh.
Marka aad u kuurgashana aad wax ku qaadanayso. Kor iyo hoos neefka geela ahi waa
mid la yaab leh oo u fiirsasho kaaga baahan.”
Qoraha
buuggu waxa uu isla qaybtan kaga warramayaa midabada kala duwan ee geela isaga
oo mid walba magaciisa iyo qaybaha uu kala baxo sharraxaya. Intaas ka dib waxa
uu ku sii xidhiidhinayaa isfahamka luuqadeed ee ka dhexeeya geeljiraha iyo
geeliisa. Halkan oo uu aynu ka baranayno in aan cid waliba la xidhiidhin
xoolaha iyo xayaanka kaleba balse geeljiruhu yahay ninka isagu fahmaya, isla
markaana leh luuqada gaar ah ee lagu la xidhiidhayo geela. waxa uu soo
gudbinayaa luuqadaha iyo dhawaaqyada geelu ka falceliyo kuwaasi oo la
adeegsnayo marka la rarayo, la maalayo, la aroorinayo, la ragaadinayo, la
waraabinayo iyo marka la foofinayo.
Si
aynu xerudhalan u sii dhex galo waxa aynu tegaynaa miyiga kaynta ah iyo xerada
geela. akhristuhu waxa uu bilaabayaa
casharo uu ku noqonayo geeljire geel xerinaya, mar gaawaha u culaya marna
aroorinaya. Qaabka hormaysan ee
geeddiyada buugga ee mawduucyadu u kala horreeyaan waxa ay inaga dhigayaan qof geela
iyo noloshiisa marka hore ku cusub marka uu sii dhex galo xerudhalana u dallacaya
geeljire sida askarigu uga dallaco dable illaa sarreeya gaas ama korneyl. Waxa
aad ku dhex daawanaysaa inta aad akhriyayso nolosha ka socota xerada geela oo aad
ka daalacanayso geeljirihii oo macawis gaaban iyo uldheer sita, garabka bidixna
gudin iyo hadhuub ku sita, midigtana qori sodon qaad ku jeeniqaaran.
Isku
dubaridka iyo islahaanshaha mawduucyada buuggu ka warramayo waa kuwo aad looga
fiirsaday sida ay isu qabanayaanna la isugu rakibay. Qoruhu waxa uu isku sidkaya
sida ay isu qaban karaan ama isugu shaqo dhawyihiin qayb kasta oo uu nolosha
geela kaga hadlayo iyo halka ay nolosha geel dhaqatada ka soo galayso isaga oo
qayb kasta ka warramaya faa’iidadeeda. Inta aad qaybta koowaad ee buugga ku
dhexjirto waxa aad ugu tegaysaa aqoon balaadhan oo lagaga
waramayo caanaha, hilibka iyo kaadida
geela. Aadna waxa uu uga faallonayaa
cajaa’ibka ku sugan meertada caanaha iyo samayskoodaba. Danbar ilaa waraab
–qandhis waa meertada uu buuggu faaqidayo isaga oo si cilmiyaysan u sharaxaya
nolosha caanaha ilaa ay darajada u danbaysa isu dhalan rogayaan. Mucjisada kale ee cajiibka ahi waa in caanaha
geelu ka samaysn yihiin dhiig, uus iyo dhecaano kale sida quraankuba sheegay.
Maaddooyinkaas aynaan iskood u cuni/cabi karinna Eebbe ugu bedelay caanah
macaan aynu u muhanno marka aynu aragooda indhaha qac ku siino. Arintan qoruhu si wayn ayaa uu isaga
xilsaaray isaga oo sharaxaya samaysanka Baayoolaji ahaaneed ee caanaha isla
markaana xusaya in caanuhu ka kooban yihiin dux, borotiino, macdano iyo biro
kale oo jidhkeenu u baahnayahay.
Waktiyadan
danbe ee adduunku u xuubsiibtay Teknoolojiga casriga ah, aqoon-baadhistuna
heerka marayso waxa soo ifbaxday in kaadida geelu tahay dawo lagu dabiibo
cuduro badan oo ay ugu caansanyihiin kansarka, Aidiska, Asaasaqa iyo jooniska
nooca C-da la yidhaa sida buugu qorayo. Dhaqanka
Soomaalidana qabyta dawo dhaqameedka waxa aynu haynaa in kaadida geela loo
adeegsan jiray daawaynta xanuuno ay ka mid yihiin kuwa sare ku xusan. Aqoonyahanada
ciilmigan dabagalka iyo xaqiijinta ku hayaa waxa ay falkinayaan oo ay
raadraacayaan dhaqamada dadka geelayda ahi sameeyaan, kaasi oo ay ka amid tahay
in kaadida geelu tahay daawo dhaqameed cuduro badan ku daweeyaan Soomaalidu iyo
dadka kale geelayda ahi ba. Intaas oo
kali ah kuma koobna curiyeyaasha qiimaha badan ee geela ee buuggu ka waramaya.
Waxa uu iyana wax ka odhanayaa hilibka geela oo ah kan Soomaalidu u taqaan
boqorka hilibka xoolaha iyo faa’iidooyinka uu jidhka, caafimaadka iyo
nolosheenaba u leeyahay.
Qoraaga
buuggu si uu inoo fahamsiiyo qaabdhismeedka geela iyo abuurta uu kaga
gedisanyahay xoolaha kale waxa uu soo ergaysanayaa suugaan. Inaga oo og
Abwaanada Soomaalida ah ee geela ka maansooday in aanay marnaba wax xun ka
sheegin, oo aay amaanta geela ku talaxtageen. Haddana gabayga hoose oo buugga
ka jiraa waa uu ka duwanyahay suugaanta ammaanta u badan ee geela. Waxa uu si ka duwan sida aynu
amaanta geela ee suugaanyahanku geela uga maansooday u sharaxayaa jaaha iyo gaar-ahaanshaha samays ee geela
Eebbe u uumay.
Abwaanku
isaga oo aad mooddo in wax uga baxsanyihiin aqoonta Sayniska ayuu gabay ku
sheegaya sida neef geela oo dheddig ah Eebbe u uumay isaga oo dareenkiisa ku
xidhaya marka ay hashu socoto. Inkasta oo qaybta hore ee buugga ka waramayso
sooyaal iyo saynis wada socda isla markaana ku foogantahay aqoonsiga geela iyo
dhanka ahaanshana geelnimo hadana markan waxa uu qaab-samayska geela ku
adkaynayaa suugaan uu tiriyay awaan Yuusuf Cabaade. Sababtana waxa aan u fahmay qofka Soomaaliga ah oo marwalba fahmi og suugaanta marka la
barbardhigo aqoonta casriga ah ee sayniska. Baytatka cajiibka ee aan waxba ka
tegin marka la barbar dhigo samayska Baylooji-muuqaal ee geela. Maqaarka adag ee
ku dahaadhan, kala shubnaanta jidhkiisa iyo sida qayb waliba u tahay layaab
fiiro gaar ah u baahan. Waxa uu yidhi abwaanku:
Cagta saafan suulkiyo dhegtiyo, sibirta loo yeelay
Bawdyaha sallaanka u noqdiyo, saydhtankaa dabada
Maraqsaarka kala soocan iyo, kuruska loo saaray
Mudka siman sakaarkiyo, candhada laga salaaxaayo
Saablayda iyo feedhihiyo, samayadaa duudka
Sadexdaa farood ee duudka iyo sumadda loo yeelay
Qoor samaya dhego soogan iyo, madaxa loo saaray
Sanqaroorka dheer iyo dibnaha, saanta laga yeelay
Haddaan gawsku saafi u ahayn, saac ma gurateene
Sayruuq la tuuriyo indhuhu, waa siraad shidane
Seedaha adkaadiyo mergiga, sarada loo taagay
Sancadaa Ilaahbaa baxshiyo, sulub abuurkeede
Kolkay socoto laafyaha surdhooy, saarku ii qabaye.
Inkasta
oo aanu buugani ka tegin halbeegyada iyo doorarka nololeed ee geelu Soomaalida
ugu jiro, waxa uu soo qaadanayaa kuwooda ugu muhiimsan ee aan noole kale u
buuxinayan. Halbeegyada geelu nolosha Soomaalida kalidii buuxiyay waxa uu
qoraagu ka xusayaa yaradka iyo magta oo ah labada ugu muhiiimsan marka ay
noqoto in hal dhogor ah ama qaalin/qaalmo xerada la ga saarayo ee
xerudhalinamdii, dool uga digaroganayo.
Guurka oo ah sunnaha nolosha waxa saldhig u ahaa in gabadha yaradkeeda
laga dhigo geel, buugguna arinta yaradka iyo doorku geela kaga beegnaa ninka
gabadh wacan doonaya in uu gaato si fiicanbaa uu u kala dhigdhigayaa. Taariikh aan fogayn gabadha dhamayska ah ee
qurux iyo dhabeelnimo isku darsata waxa kali ah ee ay gacantaada ku soo
galaysay waxa uu ahaa boqol halaad iyo faras. Nin aan dheeho geel lahaynina
waxa uu halis ugu jiray in uu guur beelo ama mid niqaafo ah oo heerin ah Eebbe
ka duraanto.
Marka
la ga waramayo arinta yaradka iyo geela Soomaalida waxa la helayaa boqolaal
sheeko oo la xidhiidha gabadh boqolaal halaad la isugu hibeeyay, mid laysku
diiday iyo mid lagu caydhoobayba. Sheekada ugu caansan inta aan maqlayna waxa
ka mid ah “saddexdii maanlaawe” . Nasiib darro
mawduucan oo xiiso gaar ah leh buuggu ma soo tebinayo sheekooyinka ku
duugan. Waayo waa melaha faca danbe ka arki karaan sida jaahilnimada lahayd ee
baahida naageed loogu xidhay xoolo ma yeedhaan ah, rag badanina kaga guur
habsaameen maaddaama oo aanay geel dhaqan. Magta iyo sida geel u gudana waxa uu
kaga waramaya qoraagu isla bogagaas.
Geeljiruhu
waxa qofka ugu naf adag xoola dhaqato. Noloshiisana waxa uu u hibeeyay geela
isaga ka raba manfac iyo magac ba. Waa qof nolosha geela qabatimay oo
dhibaatooyin badan ka mara dhaqashadiisa. Taa bedelkeeda waa qofka ugu badhaadhaha
badan marka ay manfac geel noqoto. Habdhaqanka
geela waxa fahmi kara oo qudha geeljiraha raacatada ah ee noloshiisu ku
xidhantahay tan hasha dhalaysa, hashuna ku xidhantahay geeljiraha foofinaya
marka xaabku idlaadana xergaynaya. Marka hashu dhasho ama hebed sakhiran ayay
noqotaa ama toojo u baahan farsamo geeljire.
Haddiiba
ay dhacdo in hashu diiddo ilmaha ay dhashay ama midkale oo lagu sidkayo waxa uu
geeljiruhu la yimaaddaa xirfado u badan cabudhin iyo tababar hasha lagu
ogolaysiinayo ilmaha ay diidday una sahli kara geeljiraha in uu si fudud u
maalo. Xirfadahaas waxa ka mid ah Qallax, tolliin, maqaar saar, toorrin iyo
kuwa kale. Qoruhu kuwan si wanaagsan ayaa uu sharaxayaa, waana meelaha u baahan
in faca danbe ee bandarka ku dhashay ama ku barbaaray in ay u fiirsadaan marka
ay dhiganahan akhriyayaan. Sababta aynu sidan u lenahay waxa ay tahay iyada oo
ah aqoon iyo xirfado dhaqan oo nolosha baahideeda lagu sigibtiray iyada oo aan
geeljiruhu macallin ka qaadan casharadan, kaliya nolosha iyo duruufuhu ka soo
tuujiyeen maankiisa. Dhalintana tusi kara
in ay hal-abuuri karaan xirfado ay noloshooda ku baahi-tiraan.
Wali
qaybta hore ee dhiganahan Xerudhalan
ayaynu ku dhex jirraaye, waxa uu qoruhu bogog dhawr ah; 88 ilaa 93 kaga waramayaa manfaca
geela gaar ahaan ratiga gaadiid ahaan loo rarto. Gaadiidnimada doonta saxaraha
“geela gaar ahaan awrta” waa mid ka mid ah doorarka aan cidi bedeli karin ee
geelu kaga jiray noloshii miyiga ee aynu bandarka uga soo suudallay. Awr cadaysimo, mid layli ah oo agabka fudud
“surad” lagu raro iyo gurgurshaa reerku maalinta uu geeddi dheer galayo rarto
waxa ay muhiim u ahayd qoyska reerguuraaga ah ee maalinta abaar ama colaadi
dhacdo xoolaha iyo naftoodaba meel naqleh ama nabadi taallo ugu hayaamo.
Nimcadan ma haysto ninka aan geellay ahayn waana ta keentay in geellaydu reer
guuraa noqoto, kuwa aan awr lahaynina ay beeralay noqdaan.
Buuggu
waxa uu si farshaxanimo leh uga waramaya raridda awrka oo ah meelaha kale ee
iyaguna xiisaha leh, aqoonta iyo
farsamada Soomaaliyaysanina ka muuqato. Marka awrka la rarayo waxa la raacayaa
qaacidooyin aad mooddo in xaglaha shaxanada ee Xisaabt iyo aqoonta Fisikiska
laga soo dheegay. Qofka awrka rarayaa waxa uu isku dheelitirayaa culaysyada uu
qaadayo awrku, isaga oo adeegsanaya
xadhkaha iyo agabka caymin ee loogu talagalay raridda awrka sida caynka,
baydda, keenada, dabagaliska, kabaallada, heeryada guud, dhigaha, karbaashka
iyo faruur-xidhka. Qaybtani waa meelaha aad ii soo jiitay intii aan xerudhalan
akhriyayay, waana mid ka mid ah aqoonta reer guuraaga ee tan casriga xidhiidhka
la leh.
In
noole Eebbe uumay hal buug noloshiisa oo dhan lagaga warramo si dhamaystiran waa
arrin adag. Maxamed waxa uu isku dayay in uu dhankasta ka iftiimiyo nolosha
balaadhan ee geela isaga oo u abla-ableeyay cutubyo. Waxa aanu u muuqdaa in uu
leeyahay abtir iyo aqoon la xidhiidha dhaqashada geela, haddii aanu ahaynba
bahda geel-dhaqatada. Marka aad aragto ciwaanka “Xerudhalan” waxa kuu baxaya in
meesiga geela laga waramayo, balse marka aad isha ku dhufato ladh-hoosaadka
“Sooyaalka iyo suugaanta geela” waxa wax kaaga sii binniixayaan in labadaas
mawduuc aad loo falkinayo, oo sida budada iyo jidhiidha loo sii kala hufayo. Inkasta
oo malahaasi run noqonaya marka aad buugga guda gasho, haddana wax badan ayaa
iska bedelaysa arintaas, waxaana kuu soo baxaysa in buuggu ka koobanyahay
buugaag badan oo la isugu keenay hal buug, kana ballaadhan ladh-hoosaadka
buugga.
Kaydkan
Xerudhalan waxa uu ku dheeraanayaa cudurada geela iyo daawayntooda oo uu cutub
dhan kaga sheekaynayo. Noole kasta oo nooli waxa ku gedaaman xaalado iyo
curiyeyaal fayoobaantiisa lid ku ah, kuwaasi oo u baahan in lala tacaalo. Soomaalidu waxa ay leedahay
xirfado caafimaad iyo dawooyin dhaqameed oo u dhiganta tan dunida horumartay
kuwaasi oo ay ku dabiibaan marka neefka mayeedhaanka ahi xanuunsado. “Faraadinka”
oo ah qofka yaqaana xanuunada xoolaha ku dhaca ayaa dabiiba marka neefku bukoodo,
ama geeljiraha ayaa inta badan yaqaana xanuunada guud ee geela ku dhici kara
sida Caalka, Shinbirta, Sangaalle, Dhugato, Ragaadka, Dhandheerada, Tarraafka,
Dhicinta iyo Mandheer-noqoshada. Si hufan ayaa uu cuduradan saamayntoodaba u
kala dhigdhigayaa isaga oo raacinayaa dawaynta dhaqan iyo tan casriga ah ee
cudurradaas.
Qaybta
hore “sooyaal” oo ah tan ugu muhiimsan xog ahaanna ah tan ugu ballaadhan, waxa
uu qoruhu ku gebogabaynayaa gaadhka, golaha, agabka iyo sumaddaha kala duwan ee
geela. si heer sare ahna waxa uu u
tebinayaa geeljiraha oo ah qofkan ugu samirka iyo adkaysiga badan dhamaan
xoolalayda. Ka dib qoruhu waxa uu qaybtan
ku gunaanadayaa koorta oo ah agabka geeljiraha ka caawiya ilaalintiisa
si aanu uga lumin.
Si
faahfaahsan ayaa uu diiradda u saarayaa noocyada koorta iyo xirfadaha
koor-qoriddaba, maaddaama oo ay ka mid tahay farsamooyinka Soomaalidu caanka ku
tahay ee ku sugaan/ogaadaan hadba kobta geelu daaqayo. Isu-ekaanta Tiknoolajiga
casriga ah iyo farsmaooyinka noloshii baadiyaha ee Soomaalida waxa aad mooddaa
in xidhiidh toos ahi ka dhexeeyo. Koorta
waa agabka geeljiruhu ku ogaanayo halka rasmiga ah ee geeliisu daaqo, sida oo
kale geeljiruhu waxa uu si sax u aqoonsanayaa fogaanta hashu jirto isaga oo ka
qiyaas qaaadanaya hadba dhawaqa koorta ee dhegtiisa ku soo dhacaya. Marka
curiyahan “koorta” la waafajiyo aqoonta casriga ah ee dhinaca Tiknloojiga kaasi
oo qiyaas ahaan u dhigmaya Google GPRS oo maanta dunidu u adeegsato in ay ku
aqoonsato halka uu joogo qofka ama walaxda markaas la raadinayaa. Sida oo kale sumadaha
geelu waxa ay si toos ah u la midoobayaan aqoonta sumadaynta “coding” oo
geelaydu u adeegsato kala aqoonsiga xoolaha, si loo aqoonsado reer walba
geelooda ama lagu raadiyo marka ay tulduhu lumaan.
Geelu
waxa uu kaga sii gedisanyahay meesiyada kale ee xoolaha ‘kala dhicidda’ iyo
damaca ku xeeran ninka horwaynta dhaqday oo rag jeedaalinayaan in ay maalin uun
ka qaadaan isagana xawda jaraan. Buuggu
qaybtan labaad “Suugaanta geela” waxa uu ku soo qaadanyaa suugaan kasta oo si
uun ula xidhiidha geela. Hees hawleedyada
ayaa ka mid ah qurubada uu dhiganahu sida ballaadhan u sharraxayo. Maxamed
“qoraagu” waxa horteena soo dhigayaa badwayn suugaan hees-hawleed ah oo uu geeljiruhu nolsoha geela ku qaabeeyo
dhibtiisana kaga raysto ama iskaga yareeyo xiliga rakaadka geela, fulinta,
aroorinta, daajinta, raridda, milxinta geediga iyo marka uu damco in uu gaawaha
la dhexgalo. Hees hawleedadu waa midho suugaan ah oo geel jiruhu isku
dhaafinayo hawsha geelisana ku dareensiiynayo hawtal-hamagga uu ugu dhexjiro si
uu noloshiisa u daranyeelo. Suugaantan waxa aynu ka fahmaynaa in geeljiraha iyo
geelisu ay leeyihinn luuqada ay isku
fahmaan iyo erayo u gaar ah geellayda si ay xidhiidh toos ah ula sameeyaan
tuldaha ay dhaqanayaan. Sida qoruhu
buuggiisa ku sheegayana waa meesiga ugu heeso-hawleedka badan geelu.
Xasan
Tarabi oo inna tusaya qiimaha geela waxa uu yidhi “Baxsanaa adduunyada muxuu
barako dheeraaday”, isaga oo ka fadilay shanta maal-adduunba. Waxa aynu faham
ka haysanaa in suugaanta geela la xidhiidhaa ammaan iyo koryeelid tahay,
abwaanada afka u kala qaadayna si aan hagarlahayn inoogu soo bandhigeen
dhammaan tayooyinka geela iyo barakooyinkiisa. Qoraagu markale waxa uu
xulayanaa suugaanta ammaanta ah ee geela. Si gaar ah qoraagu waxa uu usoo hormaynayaa
abwaanada safka hore kaga jira amaanta geela isaga oo ka soo qaadanaya mid
walba tixda foolaadka u ah ee uu geela ka yidhi. Waa tii soomaalidu hore u tidhi “geel nimaan
lahaynbaa futo-cirro yidhaahda”. Abwaanada uu soo xushay waa kuwo suugaantooda
geel-muunaynta ahi gaadhay gayiga Soomaalida oo dhan waxaana foolaad u ah Cumar
Ustareeliye, Xasan Tarrabi, Cabdi Gahayr, Cabdi Galayax, Cali Afyare, Xaya
Galaydh, Cabdi Gorod iyo qaar kale.
Suugaanta Xerudhalan soo
ergaystayna waa baydad suugaan ah oo si
xeeldheer u sharaxayaa foolaadnimada geela iyo inta Eebbe bare dheeraysiisay
geela mayeedhaanka kale. Bal aynu baydad ka mid suugaanta buugga ku jira
tusaale ahaan u soo qaadnao.
-Adhi waa dhallaan iyo haween, dhimaradiisiiye
Dhaldhalaalka iyo ciirtu waa, dhoolka karameede
Dhaqaalaha haweenkiyo guryaha, siima dhaafsana’e
Raga laxaha sii dhawrayoow, dhaqasho waa geel. ---Cumar Ustareeliya
-Suldaan gabadha sawjada gobta ah, saxarladaad dooni
Sabcataa cashar inantii jirtee, timaha saydhaysa
Waxa sahal isaga qaadan kara, suubeey adigaa leh. -- Cabdi Galayax
-Haddii qolo badraano ah hawadu, buurahaa noqoto
Dar kaloo kasii ba’an hadday, belo ka duulduusho
Bunduq dhiciyo baaruud haddii, la is bilaash qaato
Dharaartaa dilkuu baajiyaam baarmadoobuhiye
Baxsanaa aduunyada, muxuu barkao dheeraaday. -- Xasan Tarabbi.
Udgoonaa ma xashbaa
Amranaa ma Nebaa
Aadanaa ma ninbaa
Awranaa ma sengaa
Adagaa ma birbaa
Ildheeraa ma jinbaa ---Xaye galaydh.
Xikmada Soomaaliyeed ee ah “geel baan doonayaa, geeso dhiig leh bay
dhashaa” ayaynu ka arki karnaa in geel-dhaqashadu tahay faran colaadeed oo
ninka dhaqdayna hashiisa rag ka hortaaganyahay kana an dhaqana tuldo qoryo lagu
maalayo dusha ka jeedaalinayo si uu u xeradiisa ugu hubsado. Haddaba buugga “Xerudhalan”
qaybaha ugu danbeeya ee qurubka suugaanta waxa uu kaga sheekeeyanayaa mid ka
mid ah dhacdooyinka ugu yaabka badan marka nolosha meesiga geela laga waramayo.
Waa arrinta geel-qaadka. Waa tii Soomaalidu ku maahmaahday “Aydin geel waa
kolba xeradii ay ku jirto” iyaga oo xalaashanaya geela la kala dhaco. Markale Soomaalidu iyada oo dhiirigalinaysa
ninka geeliisa la dhacay si uu u soo ceshado tuldihiisa waa tii ku maahmaahday
“nin geeliisii la dhacay, waad orodyaraatay mooyee waad ayaan xumaatay lama
yidhaa.”
Arrintan oo aan filashadayda ku sii darsaday intii aanan buugga
bilaabin, xiise gaar ahna u qabay waxaan ugu tegay buugga. Dhacdooyinka uu
qoruhu soo qaatay waa kuwa ugu sheeggan ama ugu caansan taariikhda geelqaadka
ee Soomaalida dhexdeeda. Geelasha la kala dhacay kuwa ugu caanbaxsan, wakhtigii
la kala dhacay, deegaanada iyo qabiiladii kala dhacay ayuu buuggu qaar
ka mid ah soo qaadanayaa. Dhacdooyinkani waxa ay ka dhacayaan deegaamada ay
wadaagaan qabiilada Isaaq iyo Daarood, amaba waa horwaynno ay kala dhaceen labadan
qolo. Marka si kale loo dhigana geelashan kuwa ugu badan waxa dhacay colkii Ina
Cabdile Xasan oo beelo ka mid ah labadan beelood ka dhacay. Balse waxa uu
akhristuhu is wayddiin karaa geelasha la kala dhacay ma Isaaq iyo Daarood uun
baa ay u dhexeeyeen? Miyaanu jirin geel kale oo carriga Soomaalida lagu kala
dhacay?. Dhactooyada geela ee u dhaxaysay deegaanadan iyo qabiiladani waxa ay
si gaar ah u iftiiminaysaa in geel-dhaqashadu ku badnayd deegaanada labadan
reer qabiil ku dhaqanyihiin, qoruhuna muunad ahaan u soo qaatay
dhacdooyinkooda. Jawaabaha waxa aan u dhaafayaa akhtisteyaasha kale ee iiga xogogaalsan geela.
Intaa ka dib waxaan isku dayayaa in aan iftiimiyo meelo buugga ka
mid ah oo aan u arkay in ay toosin iyo talo u baahan yihiin. Buuggu waxa
uu leeyahay sumadda lagu kala baadi sooco buugta ee ISBN. Su’aashu se waxa ay
tahay ma loo raacay nidaamka sharci ee loogu qoro buugta sumaddan? Buugu qodobkan
waa uu ku dhaliilanyahay, oo ma raacin qaaccidada sumadaas. Waxa ay ahay id in
sumada lagu qoro bogga danbe ee jaldiga, cidhifka hoose ee midig ee jaldig. waxa ay noqonkartaa khalad ka dhacay xaga
farsamada buugga, balse qoraagu waa uu ku mahadsanyahay in uu buugga u
sameeyaya sumadaas oo qoraayo badani fudaydsadeen, buugtoodana aanay u samayn.
Sida qoraagu buuggiisa ku xusay geela ugu badan dunidu waa kan
Soomaalidu dhaqato. Tirada ugu badan ayaanay haystaan Soomaalidu guud ahaan tirada guud ee
geela dunida oo lagu sheegay in ka badan 28 milyan. Faraha geela Soomaaliduna
waxa uu ku dhereranyanay inta u dhaxaysa jigjiga oo ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida
ee Itoobiya illaa gobolka Jarar, Mudug, Galguduud, beriga Soomaalilaand (Sool
iyo sanag) illaa laga soo gaadhayo ceelka Hargaysa iyo hawdkeeda. Tan
macnaheedu ma aha in aan gobolada kale lagu dhaqan, balse waxa jira meelo si
xeel dheer looga dhaqdo sida Hiiraan oo ka tirsan Soomaaliya. Geela kale waxa uu u noqon karaa
muunaad inta lagu dhaqdo deegaanadaas sare ku xusan oo ah kuwa tirada geelaasi
ku dhaqanyahay.
Su’ waxa ay tahay buuggu ma wada meteli karaa nolosha
geel-dhaqashada dhammaan deegaanka Soomaalida ee geela lagu dhaqdo? Xogta
geel-dhaqasho ee buuggan ku duugani waa mid la odhan karo waxa ay ku
koobantahay deegaanada aynu soo xusnay aragtidayda. Jawaabta su’aasha se waa
mid qoraaga mar walba hortaala, in uu buugga kaga jawaabana ay ahayd. Fikir
ahaan iigama muuqato in qoraagu si filiqsan u soo tebiyay habdhaqashada
geellayda ku dhereran dhamaan deegaanada Soomaalida geel dhaqatada ah. waana
muhiim in qoruhu ku biiriyo xogta geel-dhaqasho iyo xirfadaha kala gedisan
Soomaalida kala deegaanka ah ee siyaabaha kala duwan geela u carbisa iyo
heerarka halbeeg ee ay ku kala duwanyihiin.
Tusaale ahaan waxa jira deegaano ninka geel wax ka duwan dhaqdan ama
sameeya la habaaro oo geeluu yahay sharafta qofka, sidoo kale waxa jira meelo
geelu manfac oo kali ah yahay. Mar walba dhaadashada geelu waa kala
gedisantahay deegaano kala duwan, Soomaali kala duwan.
Ugu danbayn Xerudhalan waa aqoon iyo dhiganeyaal badan oo isku dhex
jira, una baahan in si dhug leh loo akhriyo aqoonta ku jirtana la dhuuxo.
Buuggu xaga habqoraalka iyo naxwahaba waxa aad mooddaa in aad loo saxartiray,
indhaygana ma qaban gefaf waawayn oo aan hortiina keeno. Qoraagana waa u
faa’iido qofka qaladaad buuggu leeyahay la wadaaga si uu daabacaadda danbe uga
faa’iidaysto. Markale waxa aan aad u bogaadinayaa qoraaga da’da yar ee kaydkan
isku hawlay, bulshadana dhaxalkan u reebay. Si gaar ah buuggu waxa uu u
beegsanayaa faca danbe ee Bandar-ku-dhaladka ah si ay u bartaan halbeegga ugu
qiimaha badan ee awooyadoodoodii xoolo-dhaqatada ahaan iyo sooyaalka geela.
W/Q: Maxamed M Jaaj.